DEG DEG:-Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo Kooram la’aan u baaqday

Maanta ayaa waxaa lagu waday in uu si rasmi ah u furmo Kal-fadhiga 5-aad kulankiisa koowaad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,kadib markii Arbacadii la soo dhaafay uu furay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in kulankii Xildhibaanada oo Ajendihiisu ahaa in Warbixin looga dhageysto Guddiga dib u eegista Dastuurka  uu u baaqday kooram la’aan,kadib markii Xildhibaanada ay soo xaadi waayeen kulankaasi.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka  ayaa ka horyimid Ajendaha furitaanka Kal-fadhiga 5-aa ee Golaha oo lagu waday in uu furmay,hayeeshee uu kooram la’aan u baaqday.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa waxaa lagu dhex arkay Xarunta iyagoo oo wata boorar ay uga soo horjeedaan Ajendihii  kulanka Maanta,kaasi  oo ahaa in Warbixin looga dhageysto Guddiga dib u eegista Dastuurka.

Xildhibaanada ayaa wata Boorar ay ku qoran yihiin “Golaha Shacabku waa  Wakiiladii iyo Codkii Shacabka la xasuuqayo ma ahan Gole Sacab?”.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media