• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 2, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

MW Deni oo fal bahalnimo ku tilmaamay dadkii ay Somaliland ku leysay Laascaanood

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 31, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
MW Deni oo fal bahalnimo ku tilmaamay dadkii ay Somaliland ku leysay Laascaanood
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qalalaasihii ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo ay ku dhinteen dad u badan dhallinyaro oo kamid ahaa dadka  deegaanka magaalada .

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray dhammaan dadkii dhimashada iyo dhaawaca ku noqday rasaas ay fureen ciidamada Booliska Somaliland oo si bareer ah u dilay dad dhigaayay banaanbax.

Madaxweynaha Puntland ayaa fal baahalnimo ah ku tilmaamay tallaabadii ciidamada Booliska ay ku xasuuqeen dadkii dhigaayay banaanbxa ay uga soo horjdaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka aqoonyahanka ee Laascaanood kunool.

“Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto” ayuu yiri Deni.

Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey ayuu u mahadceliyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni, isagoo ugu baaqay dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka uu soo saaray Madaxweyne Deni oo aad u dheer.

Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya.

Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood.

Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda.

Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda.

Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland.

Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane , Siciid Cabdullaahi Deni.

Previous Post

Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan

Next Post

Toogasho ka dhacday Magaalo ka tirsan Mareykanka oo lagu dilay Muwaadin Soomaali ah

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

June 30, 2025
Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir
Warar

Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir

June 30, 2025
Wasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania
Warar

Wasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania

June 30, 2025
Israa’iil oo Amartay Qax Degdeg ah oo ka dhaca Waqooyiga Qaza, Iyadoo Weerarro Cusub ay Socdaan
Caalamka

Israa’iil oo Amartay Qax Degdeg ah oo ka dhaca Waqooyiga Qaza, Iyadoo Weerarro Cusub ay Socdaan

June 30, 2025
Saraakiisha Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Kulan Istaraatiiji ah Yeeshay
Warar

Saraakiisha Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Kulan Istaraatiiji ah Yeeshay

June 30, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha Dhexe
Warar

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha Dhexe

June 29, 2025
Next Post
Toogasho ka dhacday Magaalo ka tirsan Mareykanka oo lagu dilay Muwaadin Soomaali ah

Toogasho ka dhacday Magaalo ka tirsan Mareykanka oo lagu dilay Muwaadin Soomaali ah

Somali Delegation in Riyadh Celebrates 65 Years of Independence with Pride and Unity

Somali Delegation in Riyadh Celebrates 65 Years of Independence with Pride and Unity

by Gesey Liban
July 1, 2025
0

Riyadh – Far from home but full of national pride, the Somali delegation to the Islamic Military Counter Terrorism Coalition...

President Hassan Lays Wreath at Daljirka Dahsoon in Honor of Somalia’s 65th Independence Anniversary

President Hassan Lays Wreath at Daljirka Dahsoon in Honor of Somalia’s 65th Independence Anniversary

by Gesey Liban
July 1, 2025
0

Mogadishu – As Somalia marks 65 years since gaining independence and uniting as a republic, President H.E. Hassan Sheikh Mohamud...

AU Commission Chair Sends Message of Solidarity on Somalia’s Independence and Unity Day

AU Commission Chair Sends Message of Solidarity on Somalia’s Independence and Unity Day

by Gesey Liban
July 1, 2025
0

The Chairperson of the African Union Commission, H.E. Mahmoud Ali Youssouf, has extended heartfelt congratulations to the Government and people...

President Hassan Sheikh Hoists National Flag at Villa Somalia in Honor of Somalia’s 65th Independence and Unity Anniversary

President Hassan Sheikh Hoists National Flag at Villa Somalia in Honor of Somalia’s 65th Independence and Unity Anniversary

by Gesey Liban
July 1, 2025
0

Mogadishu, – The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, tonight hoisted the Somali national flag...

Somali Delegation in Riyadh Celebrates 65 Years of Independence with Pride and Unity
English News

Somali Delegation in Riyadh Celebrates 65 Years of Independence with Pride and Unity

July 1, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Lays Wreath at Daljirka Dahsoon in Honor of Somalia’s 65th Independence Anniversary
English News

President Hassan Lays Wreath at Daljirka Dahsoon in Honor of Somalia’s 65th Independence Anniversary

July 1, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
AU Commission Chair Sends Message of Solidarity on Somalia’s Independence and Unity Day
English News

AU Commission Chair Sends Message of Solidarity on Somalia’s Independence and Unity Day

July 1, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh Hoists National Flag at Villa Somalia in Honor of Somalia’s 65th Independence and Unity Anniversary
English News

President Hassan Sheikh Hoists National Flag at Villa Somalia in Honor of Somalia’s 65th Independence and Unity Anniversary

July 1, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“It’s a Big Task, But I’m Ready”: Dr. Gaas Opens Up About His New Role as AU Envoy to South Sudan
English News

“It’s a Big Task, But I’m Ready”: Dr. Gaas Opens Up About His New Role as AU Envoy to South Sudan

July 1, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar’s Statement Sends a Diplomatic Blow to Somaliland’s Independence Hopes
English News

Qatar’s Statement Sends a Diplomatic Blow to Somaliland’s Independence Hopes

July 1, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Delegation in Riyadh Celebrates 65 Years of Independence with Pride and Unity
  • President Hassan Lays Wreath at Daljirka Dahsoon in Honor of Somalia’s 65th Independence Anniversary
  • AU Commission Chair Sends Message of Solidarity on Somalia’s Independence and Unity Day
  • President Hassan Sheikh Hoists National Flag at Villa Somalia in Honor of Somalia’s 65th Independence and Unity Anniversary

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00