Wargeyska Maalinlaha ee Berliner Morgenbost ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa shalay qoray inay Boliska sheegeen inuu Eedeysanahaasi oo 19-jir ah uu soo dhigay Bratiisa Facebook Qoraalo Koo kooban oo ku adaan Hoggaamiyihii Ururka Al-qaacida, Usaama Bin Laadin iyo Urur kale oo Hubeysan.
Ilo-wareedyo uu Wargeysku soo xigtay ayaa lagu sheegay in Qoraaladaasi laga soo dhex qoray Xabsi ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Berlin iyo caddaynta goobta laga isticmaalay iyo Cinwaanka laga soo bandhigay Qoraalladaasi.
Afhayeen u hadlay Waaxda Garsoorka ee dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka dalkaasi ee DPA  in dhowr jeer la baaray qolka Eedeysanaha kaga jiro Xabsiga, balse laga waayey wax Telefoon nooca SMART PHONE-ka.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inuu Eedeysanaha horey ugu biiray Alshabaab, isla markaana uu dhowr jeer la dagaalamay Saraakiisha Garsoorka ee dalkaasi waa sida uu hadalka u dhigay.
Hay’adda Ammaanka Dadweynaha ee PSD ee magaalladda Berlin ayaa ku sheegtay Qoraal loogu talagalay Gudaha Hay’addaha inay Eedeysanahaasi u aqoonsadeen inuu Khatar ku yahay Ammaanka Gudaha Jarmalka, waa sida hadalka loo dhigay.
Eedeysanaha oo aan magaciisa la sheegin ayaa loo wareejiyey Xsbsi kale oo aad loo baaro.