Muwaadin Somali Maraykan ku biiri lahaa Kooxda Daacish oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka Maraykaanka ayaa amray in Xabiga lagu sii hayo Mohamed Abdihamid Farah, kaasi oo la sheegay inuu dhowr jeer isku hawlay inuu u dhoofo dalka Syria si uu ugu biiro Daacish.

Eedeysanaha o 21-jir ah ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga, iyadoo uu la sheegay in uu u hanjabay Saraakiil ka tirsan Hay’adda Dembi-baarista Maraykaanka ee FBI-da.

Dembi-baarayaasha ayaa la sheegay inuu Eedeysanuhu ka mid ahaa afar dhallinyaarro Somali bishii November qorsheysatay inay u dhoofaan dalka Syria, si ay ugu biiraan Daacish.

Dhinaca kale, Eedeysanaha hooyadiisa, Ayan Mohamed Farah ayaa sheegtay inaysan ogeyn inuu Curudkooda doonayo inuu xubin ka noqdo Kooxda Daacish ama Ururo kale oo qalalaaso wada.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, in ka badan 22 Dhallinyarro Somali Maraykan ayaa ka soo ambabaxay Gobalka Minnesota, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka soo horjeeda Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor