Allaha u Naxariistee Danjirihii Somalia u joogay dalka Masar, Marxum Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa maanta lagu aasay magaalladda Muqdisho.
Madaxweynaha, Wasiiro, Xildhibaano, Diplomaasiyiin iyo Mas’uuliyiin badan ayaana salaadda Janaasadda kula tukaday Maydka Marxuumka oo barqanimaddii maanta laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Allaha U Naxariistee Marxuum Ambassador C/llaahi Xasan Maxamuud waxa uu ahaa Safiirka Somalia ee dalka Masar iyo Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Somalia u joogay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu maalintii Axadda ee la soo dhaafay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Qaahira.
Marxumka oo 72-jir ahaa, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun dhinaca Wadnaha, wuxuuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo jiray muddo 28-sanno ah.
© Radio Dalsan