Afhayeenka Bisha Cas rr dalka Libya, Al-khamiis Al-Bosayfi ayaa sheegay inay heleen maydadka 16 Tahriibe oo ku soo caariyey Xeebta Degmadda Zuwara ee Galbeedka dalkaasi.
Waxa uu sheegay inay maydadkaasi wada ahaayeen rag u muuqday inay ka soo jeedaan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, iyadoo ay maydadkaasi qurmeen.
Dalka Libya waxa uu ka mid yahay deegaanadda ay ka socdaan Tahriibayaasha doonaya inay Dooni kaga gudbaan Badda Mediterranean-ka si ay u gaaran Europe.
In ka badan 3,740 Tahriibayaal ayaa la diiwaan geliyey inay sannadkan ku geeriyooday Bartamaga Badda Mediterranean-ka, kuwaasi oo badankooda u kala safrayey Libya iyo Talyaaniga.
©Radio Dalsan