Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax miino oo habeenimadii xalay aheyd ka dhex ka dhacay guri ku yaalla deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/le Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa u sheegay in Nin kamid ah Al-Shabaab uu qaraxaasi dhacay uu farsameynayay kula qaraxay, isaga iyo reerkiisa
Wuxuu tilmaamay Afhayeen Cabdifitaax Aadan in qaraxa uu ku dhintay Ninkii farsameynayay iyo laba caruur ah uu dhalay, isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa hooyada dhashay labada caruur.
“Labo carruur ah oo uu dhalay iyo isagii ayaa qaraxaas ku geeriyooday, waxaana dhaawac ah hooyadii qoyska”sida uu Afhayeenka Boliiska.
Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gaaray guriga uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaanno ku aadan waxa qaraxan sababay.
Ma ahan markii ugu horreeysay oo qarax ka dhax dhaco guri lagu diyaarinayay miino iyo waxyaabaha kale ee qarxa, waxa ayna qaraxyadaasi waxyeelo kala duwan gaarsiiyeen dadkii ku sugnaa guryaha ay ka dhaceen.