Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filippo Grandi ayaa sheegay in la laba laabi doono Maalgelinta Lacagaha lagu taageerayo Qaxootiga ku dac-daraysan Caalamka marka la gaaro sannadka 2020-ka.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu Nidaamkaasi yahay kan ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo, laguna badbaadi karo Qaxootiga.
“Isticmaalka Lacagaha taageeradda ayaa xaqiiqdii ah qaab Isbedel oo cusub oo lagu taageeri karo Qaxootiga, waxaana haatan go’aansanay inaan ka dhigno Siyaasadda Caalamka oo dhan” ayuu yiri Filippo Grandi.
Wuxuu intaasi ku daray in Kaalmadda Lacageed laga dhaqan geliyey 60-dal, iyadoo sannadka soo socdana lagu biirin doono 15 Waddan oo kale oo ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Ethiopia, Uganda, Kenya, Rwanda, Kongada Dimuqraadiga, Afganistan iyo Iiraan.
©Radio Dalsan