Boliska Talyaaniga oo xaqiijiyey inay dileen Anis Amri.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Marko Miniti oo Saxaafadda kula hadlay magaalladda Rome ayaa sheegayinay Ciiddanka dileen Ninkaasi oo lagu tuhunsan yahay weerarkii loo adeegsaday Gaadiidka Xamuulka ee 12ka qof ku dilay caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Ninkaasi lagu dilay  Deegaanka Seesto San Jofgaani ee magaalladda Milan, kadib, markii ay Boliska joojiyeen gaarigii uu watay anaarihii 3dii habeenimo ee xalay.

Wasiirka waxa kaloo sheegay in Anis Amri oo 24jir uu qori la soo baxay Boliska markii ay weydiiyeen Aqoonsigiisa, wuxuuna dhaawacay Sarkaal ka tirsan Boliska Talyaaniga, ka hor intaan isaga la dilin.

Dhinaca kale, Kooxda Daacish waxay maanta baahiyeen Muuqaal Video oo muujinaya Is-rasaasaynta lagu dilay Anis Amir.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media