Daacish oo sheegatay weerarkii ka dhacay agagaarka Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Wakaalladda Wararka u faafis Kooxda Daacish ee Amaq News Agency ayaa sheegtay inuu Taageere taabacsan Daacish qaaday weerarkii Khamiistii la soo dhaafay lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo ilaalo ka hayey afaafka hore ee Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Ninka tooreyda ku dooxay Sarkaalkaasi ayaa la toogty, iyadoo Boliska sheegeen inuu Ninkaasi ka soo jeedo Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya.

“Qofka geytsay weerarka Tooreyda waxa uu ahaa Askari ka tirsan Daacish oo ka jawaabay Baaqii Daacish ee ahaa in la beegsado Dalalka Isbaysiga” ayaa lagu yiri Qoraalka ay baahisay Wakaalladda Wararka AMAQ.

Dhinaca kale, Kooxda Daacish waxay horey u sheegatay Weerar ay 3 gabdhood oo Somali ah oo ay Boliska Kenya bishii hore ku toogteen Saldhigga Boliska ee magaalladda Mombasa.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor