Maydadka saddex qof oo jirkooda shaandho looga dhigay rasaas ayaa laga helay meel ku dhow Xuduuka uu dalkaasi la wadaago Somalia.
Dadka Deegaanka ee ku nool Xuduudka ayaa argagax ka qaaday maydadkaasi oo lagu tuuray meel jeexdin oo ku taalla inta u dhexeysa Degmooyinka Liboyo iyo Kulan.
Shabakadda Wararka ee www.tuko.co.ke ayaa qortay inay Dadka Deegaanka tilmaameen inay Ciiddanka Kenya ka dambeeyaan dilalkaasi.
Saddexda qof ee la dilay oo wada rag ahaa ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya qafaasheen isbuucii hore, kadibna inta ay dileen ay maydkooda ku tuureen meel ku dhow Xuduudka Somalia.
Dadka ku nool deegaanadda ku teedsan Xuduudka, waxay sheegeen inay ku nool yihiin cabsi, kana baqanayaan in iyaga laga dhigto Bar-tilmaameed, lana dilo, kadib, markii ay soo bandhigeen maydadka saddexda qof ee laga helay Deegaankooda.
Dhinaca kale, Ciiddanka iyo Dowladda Kenya midna kama hadlin eedeymaha lagu sheegay inay Muwaadiniin Soomaali ah ku dileen Xuduudka.
Xigasho: Tuko.co.ke
©Radio Dalsan