Hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in si KMG loo xiray Safaaradda, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Daalibaan weerar Is-qarxin ah ku dileen 4 Askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Bagram.
Go’aanka aan caadiga ahayn ee lagu xiray Safaaradda Maraykanka ku lahaayeen magaalladda Kaabul ayaa la sheegay in la qaatay kadib dilkii Afarta Maraykanka oo kala aaha 2 Askari iyo 2 Qandaraaslayaal.
Safaaradda Maraykanka ee Kaabul waxay si joogto ah uga digtaa Dadka Maraykanka inay socdaal ku tagaan Afganistan, halkaasi oo ay Kooxda Daalibaan ka wadaan Dagaal Iska-caabin ah muddo 16-sanno ah.
©Radio Dalsan