Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka bilowday Maxkamaddeynta Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo dhawaan halkaas ku dilay Taliye ku-xigeenkii Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.
Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Axmed Dhagadheere ayaa Maxkamadda kahor qirtay inuu si bareer ah rasaas ugu furay Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle, sidoo kalena rasaastaas ay kusii dhacday Marxuumka Walaashiis oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cumar Geelle, taasina oo iyaduna dhimatay.
Fadhiga Maxkamaddeynta Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda ee dilka geystay Axmed Dhagadheere ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah dad arkayey, xilligii uu dilka geysanayey, iyagoona Maxkamadda kahor caddeeyay in Axmed uu falka fuliyey.
Sidoo kale fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug Cabdi Waayeel, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne farabadan, kuwaasi oo dhageysanayey kiiska dacwada.
Xeer ilaaliyada Maxkamadda Ciidamada ayaa dalbaday in xukun dil toogasho lagu rido Axmed Dhagadheere, maadaama uu si bareer ah u dilay Taliye ku-xigeenkii Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis, xilli ay ku sugnaayeen Caabduwaaq.