Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan la isugu yeeray iyo RW Xamse oo Codsi wata

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Isniin ah waxaa ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Xarunta villada Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay Codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre, sida lagu shaaciyey Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka.

Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa Xildhibaanada ku wargeliyey in maalinta berri uu jiro kulan, isla markaana looga baahan yahay mudanayaasha Golaha inay kasoo qey galaan kulankaas oo ah mid muhiim ah

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaanada Golaha ka codsan doona in loo sameeyo waqti kordhin uu ku doonayo inuu kusoo dhigo  Xukuumad cusub oo tayo  ah, isla markaana uu haatan ku howlan yahay wadatashiyo uu sameeynayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu dalbado in 10 cisho oo dheeraad la siiyo oo uu ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada, maadaama maalinta berri ku egtahay 30 cisho oo ahaa muddada uu u heystay inuu Gole Wasiiro ku soo dhiso, sida uu ahaa curfi siyaasadeed iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor