Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah mudeysay inay ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwad loo heysto masuuliyiin ka soo shaqeysay qaar kamid ah hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta oo ay socotay Maxkamadeyntooda ayaa ku eedeysan kiisas musuq maasuq ah, masuuliyiintaas oo gaareysa 12 qof waxaa kamid ah agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi iyo xubno kale.
Xubnahan oo dhegeysiga dacwadoodu ka socotay mudooyinkan Maxkamadda ayaa badankood waxay yihiin maqanayaal baxsad ah inkastoo ay qabsadeen qareeno u dooda intii bay socotay dacwadooda.
Kiiskan, ayaa ah, kii maxkamadda Gobolka Banaadir ugu dheeraa ee ay abid ay qabato iyadoo ay socdeen dhageysigiisa muddo ka badan 8 bilood.