Maanta oo sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 25-ka Bisha May ayaa waxaa si rasmi ah deegaanada dowlad Goboleedka Puntland uga bilowday Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Imtixaanaadka ayaa waxaa sanadkaan u fariisatay 21,801 kun oo Arday, kuwaasi oo isugu jira Aradya fasalka 12aad ee Dugsiga Sare iyo Ardada fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, kuwaasi oo ku kala galaya deegaanada Maamulka.
Madaxwynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u daah- furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in sanadkaan koror badan uu ka jiro ardayda u fadhiisaneysa Imtixaanaadka Shahaadiga marka loo eego sanadkii hore, waxaana galaya 21,801 kun oo Arday .
Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in Imtixaanka uu wakhti isku mid ah ka bilowday goobihii loogu talagay dhammaan Gobolada iyo degmooyinka Puntland, isla markaana ilaa iyo hadda la soo werin wax caqabad ah.