Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa shalay garay Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa degmada xudur waxa uu ka furay Xafiis Cuusb oo ay leedahay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, si ay halkasi uga howlgasho.
Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay gaaray deegaanka Moora-Gaabeey oo 30 iyo dhowr KM, u jirta degmada Xudur halkaas oo ah jiidaha hore oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Wariyaheena Gobolka Bakool ayaa soo sheegyaa in taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60,aad Ibraahim Aadan Yaroow iyo sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ay qeyb ka yihiin wafdiga la socda gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Xasan Cali Nuur Shuute.
Dhinaca Kale Masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa Degmada Xudur u Gaaray Qaadista kiis la sheegay in ay Geesteen Ciidamo ka Tirsan Xoogga Dalka.