Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulk Hir-Shabeelle ayaa waxaa Goordhow ka bilaabtay doorashada Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle oo ay ku tartami doonaan ilaa 8 Musharax.
Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka amniga Soomaaliya, Wasiirka Ariimaha Gudaha iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyo madax ka socota Urur Goboleedka IGAD, iyo masuuliyiin kale ayaa Goobjoog ka ah.
Gudoomiyaha Baarlamanka Hir-Shabeelle Cusmaan Bare Maxamed ayaa furay Munaasabada doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa sheegay in kulanka ay xaadir yihiin 97 xildhibaan sidaasna ay ku bilaabaneyso doorashada.
Musharixiinta Maanta tartami doona aya kala ah.
1:-Maxamed Caruushe Diirow
2:- Daahir Cabdulle Cawaale
3:-Cabdi Faarax laqanyo
4:-Cabdi Kariin Cali Nuur
5:-Cabdi Naasir Xaaji Shurwac Maxamuud
6:- Cabdi Raxmaan Xuseen Caddow
7:-Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-dabageed)
8:- Maxamed Cabdi Waare