(WAREEGTO):  Maxkamadda Gobalka Banaadir oo amartay in la soo xiro Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee XFS..

Maxkamadda Gobalka Banaadir aya soo saartay Qoral lagu farayo Taliska Guud ee Boliska Gobalka Banaadir in la soo xiro, lana hor keeno Maxkamadda Gobalka Banaadir  Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, C/risq Cli Yuusuf Bahlawi iyo Agasimihii Waaxda Maaliydda ee Wasaaradaasi, Xasan Samantar Cali.

Warqaddan ayaa ahayd Amar ay Xeer-ilaalinta Qaranka kaga codsatay Maxkamadda Gobalka Banaadir inay soo saarto Warqadda soo-qabashadda ee ka dhanka ah C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo Xasan Samatar Cali.

Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow” waxa uu Bishan April 9-dii Shaqo-ka-fariisin ku soo rogay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo Agaasimaha Waaxda Maaliyadda, Xasan Samantar Cali, kaddib markii lagu soo eedeeyey Maamul- xumo iyo Musuq- maasuq baahsan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media