Kenya oo joojisay Ciyaaraha K/Cagta ee W/bari , xilli la sheegay inay Alshabaab xubno cusub ka qoranayaan Ciyaartoyda

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Kenya, Sam Nayamweya ayaa sheegay in la joojiyey dhamaan dhaqdhaqaaqyadda K/Cagta ee ka socday Goballadda ay Soomaalidu ka deggaan dalkaasi.

Mas’uulkaasi oo shalay soo saaray Wareegto, waxa uu ku amray Naadiyadda Kubadda Cagta ee ka dhisan Goballadaasi inay gebi ahaan joojiyaan qabanqaabadda Tartamadda K/Cagta, isagoo sheegay inay ka war heleen inay Xarakadda Alshabaab bilowday inay qortaan ciyaartoyda, waa sida uu hadalka u yiri.

Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta ee dalka Kenya, Sam Nayamweya, waxa uu xusay inay jiraan dad doonaya inay Ciyaartoyda u qoraan inay ku biiraan Alshabaab iyo in Kharajka Ciyaaraha lagu maalgeliyo Hawlgalladda Alshabaab ka wadaan gudaha Kenya, wuxuuna ku baaqay in Hay’addaha Ammaanka looga dambeeyo qabashadda ciyaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor