Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Puntland ayaa maanta fulisay xukuno dhawaan ay riday maxkamada.
Maxkamada ayaa Xukun dil ah maanta ku fulisay sarkaal ka tirsanaan jirey ciidamada Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabi jiray gaashaanle dhexe Caydaruus Daahir Awaare.
Marxuumka ayaa dhaawaa waxaa maxkamadda ay ku riday xukunka ay maanta fulisay.
Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Abdikarin Hassan Firdhiye, ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka dilka lagu fuliyay inuu dhawaan dil bareer ah u geystay E X-labo xiddigle Cabdiweli Faarax Ismaaciil oo isna katirsanaan jiray ciidamada, kadib muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen, sida uu sheegay.
Indhawaala ah Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, ayaa xukuno noocaan oo kale ku fulineysa xubnaha eedeysanayaasha eek u xiran xabiyada deegaanadda Puntland.