Boqolaal dhalinyaro ah ayeey ciidamada dowladda soomaaliya caawa kusoo qabteen howgallo, ay ka sameynayaa xaafadaha degmadda Shibis ee gobolka Banaadir, oo maalmihii aan kasoo gudubnay dilal loogu geysanayay gudoomiye waaxeedyada degmadaasi.
Dhalinyada howgalka lagu soo qabtay ayeey ciidamadu isugu keeneen isgooyska Maana Booliye ee degmadaasi, halkaasoo ciidanka ay sheegeen in ay ku kala saarayaan.
Tan iyo bishii ramadaan dhamaadkeeda, ilaa labo gudoomiye waaxeed oo mid kamid ah ay haweeneey ayed ayaa lagu dilay degamadaasi, waxaana u dambeeyay, Marxuum Laariyo, oo ahaa gudoomiyaha waaxda afaraad ee degmadda.