(SAWIRO): Ciiddanka Dowladda Iraq iyo Kooxda Daacish oo ku dagaalamayo gudaha Mosul.

Labo isbuuc oo Hawlgal ay Ciiddanka Dowladda Iraq iyo kuwa Isbahaysiga ku doonayeen inay ku qabsadaan magaalladda Mosul ee Waqooyiga dalkaasi ayaa haatan weji cusub yeeshay.

Labada dhinac waxay haatan ku dagaalamayaan Bariga magaalladda Mosul, iyadoo la isku adeegsanayo Madaafiicda Goobta, Hoobiyayaal iyo Duqeyn ay geysanayaan Diyaaradaha Isbahaysiga uu Maraykanka horkacayo.

Mosul oo ay weli ku nool yihiin 1.5 million oo qof ayaa sheegayo inay Maleeshiyadda Daacish dagaal  ka wadaan Waddooyinka Deegaanka Al-qudus oo ku taalla meesha laga soo galo Bariga magaalladaasi.

Ciiddanka Khaaska ee ka tirsan kuwa la-dagaalama Argagixisadda ee CST ayaa la sheegay inay maanta gudaha u galeen  Dhismaha Telefishinka Dowladda ee ku yaalla magaalladda Mosul.

Taliyaha Ciiddankaasi, Lt. General Talib Sgaghati ayaa sheegay inay taasi calaamad wanaagsan u tahay dadka ku nool Mosul, wuxuuna xusay inuu si rasmi ah u bilowday dagaalka lagu xoreynayo magaalladda Mosul.

Jeneral kale oo lagu magacaabo C/wahaad Al-saciidi ayaa isagana sheegay inay Maleeshiyadda Kooxda Daacish ka sifeeyeen  inta badan Degmadda Bariga ku taallo ee Kokjali oo ku dhow Degmadda Al-qudus.

Daruuro Madow ayaa laga arkayaa Bariga Mosul, waxaana la maqlayaa hugunka Madaafiicda, sida uu sheegay Weriye ka tirsan Wakaalladda Wararka ee REUTERS oo ku sugan meel ku dhow Deegmadda Bazwaia oo 5 KM u jirta Bariga Mosul.

A man who just fled Bazwaia village carries a white flag as he arrives at a special forces checkpoint, east of Mosul, Iraq, November 1, 2016. REUTERS/Zohra Bensemra

A man who just fled Bazwaia village carries a white flag, east of Mosul, Iraq November 1, 2016. REUTERS/Zohra Bensemra

Ciiddanka Iraq waxay hal maalin ka hor qabsadeen Degaanka Bazwaia, iyadoo la arkayey  Tobaneeyo qof oo Calamo Cadcad ruxayey, kluwaasi oo Ciiddanka u keenay ku-dhawaad 200 ido, dhow Lo’ iyo Dameero.

Ilaa 500 oo qof oo ku nool Deegaankaasi ayaa loo daad-gureeyey Xero Barakacayaasha oo ku taalla meel ka fog Aagga Dagaalka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Iraq, Xaydar Al-cabaadi ayaa sheegay inay Ciiddanka ku hawlan yihiin sidii ay u xiri lahaayeen dhamaan jidadka ay ku baxsan karaan Kumanaanka ka tirsan Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee ku sugan gudaha Mosul.

“Ilaahay fadligiisa, waxaan jari doonaa madaxda maska” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha oo ka hadlayey Telefishinka Qaranka, wuxuuna intaasi ku daray inaysan Daacish baxsan doonin, oo ay noqon doonaan kuwo la dilo ama kuwo isa soo dhiiba.

Si kastaba haddii Maleeshiyadda Daacish laga wada saaro magaalladda Mosul, waxay taasi soo dedejin kartaa Burburkii Daacishtii joogtay gudaha dalka Iraq.

Displaced Iraqi women and children sit at the back of a vehicle after escaping from Islamic State controlled village of Abu Jarboa during clashes with IS militants near Mosul, Iraq November 1, 2016. REUTERS/Ahmed Jadallah

A woman who just fled Bazwaia village speaks with a special forces member at their checkpoint, east of Mosul, Iraq, November 1, 2016. REUTERS/Zohra Bensemra

Displaced Iraqis flee after escaping from Islamic State controlled village of Abu Jarboa during clashes with IS militants near Mosul, Iraq November 1, 2016. REUTERS/Ahmed Jadallah

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor