Wasiir arrimo Dibadeed oo geeriyooday, isagoo ka qeyb geli lahaa kulankii Golaha Wasiirada

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Gabon, Michael Moussa Adamo ayaa shalay oo Jimco aheyd geeriyooday, xilli uu sugayey inuu ka qeyb galo Shirkii Golaha Wasiirada oo ka dhici lahaa Caasimadda dalkaasi ee Libreville.

Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Omar Bongo Ondimba ayaa xaqiijiyey Geerida wasiirkaasi. Qoraal uu Madaxweyne Bongo soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Wasiir Adamo ahaa Diplomasi weyn iyo Saaxiibkiisa Koowaad.

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Gabon ee geeriyooday, Michael Moussa Adamo waxa uu ahaa 62 jir oo muddo dheer jaal la ahaa Madaxweyne Bongo.

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyada dalkaasi oo la hadlay Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inuu Wasiirka uu fariistay Qolka Sugitaanka, ka hor inta uusan bilaabanin Shirka Golaha Wasiirada, iyadoo ay la joogeen qaar ka mid ah Golahaasi.

Wasiir ayaa waxa uu dareemay xanuun, waxaa loola cararay Isbitaalka Milliteriga, halkaasi oo uu ku geeriyooday. Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Wasiirku u geeriyooday Wadno-xanuun.

 

W/Q; Ustaad Nuuradiin 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor