Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa la hogeeyey Masuul loo heysto Masuqmaasuq oo Maanta qorshuhu ahaa in damaaanad lagu sii daayo balse taasi aysan dhicin.
Qareenada u doodaya C/Shakur oo ka tirsan wasaarada maaliyadda loona heysto masuqmaasuq ayaa waxa ay sheegeen in uusan xabsiga kusii jiri karin maaadaama uu qabo Cudurka Macaanka.
Maxkmada G/Banaadir ayaa diiday in masuulkaasi lagu siidayo damaanad,waxaana dib loogu celiyey Xabsiga Xamar oo uu horey ugu xirnaa waxka badan mudo todobaad ah.
Weli waxaa xiran mas’uulyiin kale oo loo heysto falal la xiriira musuq maasuq,waxana tan ay ku soo aadeysaa xilli Maanta Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in aysan u dul qaadan doonin mas’uuliyiinta ku kaca musuq maasuq.