Dowlad Goboleedka puntland ayaa Warka soo saarey rabshadihii ka dhacay dowlad deeganka soomaalida Itoobiya,kuwaas oo saameyn ku yeeshay deegaano ka tirsan Maamulka Puntland.
War qoraal ah oo laga soo saarey Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay in ay Puntland aad uga xun tahay rabshadihii sababey dhimashada iyo dhaawaca iyo boobka hantiyadeed ee ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa sidoo kale lagu cadeyey War-saxaafadedka in Hanti iyo Gaadiid laag leeyahay dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ay kusoo qul qulayaan xaduudka Soomaaliya ay la wadaagto dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,isl amrkaana Puntland ay go’aansatay in ay badbaadiso hanti lagala soo goostay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Sidoo kale Puntland waxa ay cadeyneysaa in deegaanadeeda aan lala imaan karin hanti laga soo boobey deegaanada ay rabshadaha ka jiraan ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.