Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibada oo la kulmay Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safirka  Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian. Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim.

wio:

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor