Mas’uul ka tirsan Puntland oo Qarax loogu xiray Gaarigiisa

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Goordhaweyd uu qarax ka dhacay Magaalasaasi, waxaana jugta qarax si weyn looga maqlay Xaafadaha ay ka Kooban tahay Gaalkacyo.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Gudoomiyaha maxkamada racfaanka Gobolka mudug ee Puntland maxmuud cismaan aadan, waxaana la sheegay in uu ka bad-baaday guddoomiyuhu qaraxa la doonayay in lagu dilo, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray.

Qarax ka dib ayaa waxaa Ciidaanka ammaanka waxa ay sameeyeen Howlgal iyo baaritaan ku aaddan qaraxa Miinada ah ee lagu xiray gaariga Guddoomiyaha.

Lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas, waxaana bur bur xooggani uu soo gaaray gaariga qaraxa lagu xiray iyo goobta uu yaallay.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media