Dowladda Mareykanka oo  Malaayiin Doollar ku bixinaysa gargaarka Soomaaliya

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ku dhawaad saddax boqol malyuun oo doolar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaaridda dadka dhibaateysan  ee Soomaaliyeed.

Deeqdan oo ay fulisay hay’adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareysay 275 malyuun, taas oo lagu iibiyay raashiin iyo agabka wax lagu cuno.

Dadkan ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa raashiinka waqtigan oo Soomaaliya ay xaalad adag oo dhanka beni’aadannimada ka jirto.

Fatahaadaha, Ayaxa iyo COVID -19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka tabaaleysan

In ka badan shan malyuun ayaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee u baahan gar gaarka deg deg ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media