Ciidanka Xoogga oo soo bandhigay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Ciidanka Xoogga ee ku sugan degmadda Baledxaawo ayaa soo bandhigay seddex rag ah oo ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen Ciidanka Dowladda eek u sugan Gobolka Gedo, waxaana seddexda dagaalame ay horay uga tirsanayeen Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Gobolka Gedo iyo Maamulka Gobolka ayaa sheegay in dagaalamayaasha isi soo dhiibay ay ka howlgali jireen Gobolka Gedo ayna in muddo ah ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaa ay sheegeen Saraakiishu in xubnaha Al-shabaab kasoo goostay ay laba ka mid ah wateen hubkoodii, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Gobolka Gedo gaar ahaan Balad-xaawo, iyadoo Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada  Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin & mas’uuliyin kale ay ka qayb qaateen soo dhaweynta Xubnahaas la sheegay in ay Al-shabaab kasoo goosteen.

Dagaalamayaasha isi soo dhiibay ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin, Cabdiqadir Ibraahin Cabdulaahi iyo Cabdicasiis Maxamed Koosaar kuwaas oo ka howlgali jiray sida la sheegay Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Horay tiro dhawr jeer ah ayaa waxaa Ciidanka Dolwadda eek u sugan Gedo iyo kuwa Maamulka Jubbaland waxaa isku soo dhiibay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media