Marwadii 1-aad ee hore ee dalka Maraykanka ee u dhixi jirtay Madaxweyne George Bush Senior ayaa xalay geriyootay.
Haweeneydaasi o olagu magacaabi jirey Barbara Bush waxaa lagu tilmaamay inay ahayd Haweeneyda keliya ee uu Ninkeeda iyo Wiilkeeda Madaxweyne ka soo wada noqdeen Maraykanka.
Saygeeda, George Bush-kii weynaa waxa uu ahaa Madaxweynihii 41-aad ee soo mara Maraykanka, halka Wiilkeeda George Bush Yaraha uu ahaa Madaxweynihii 43-aad ee dalkaasi.