Dhageyso:-Guddoomiye ku xigeen ka tirsanaa Maamulka G/Hiiraan oo is casilay

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in uu goordhow is casilay guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan oo lagu Magacaabo Xuseen Cismaan Muumin Garbooy.

Wareysi uu siiyey Radio Dalsan ayuu ku sheegay is casilaadiisa in ay ka dambeyso kadib markii  aan lagala tashan waqtigii xilkaas loo Magacaabayay iyo in aysan ku qanacsaneyn Beesha uu ka soo jeedo saida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in isaga oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Hiiraan uu ka warhelay xilka Maamulka iyo maaliyadda in loo magacaabay isaga oo aan ka warheyn sidaasina ay ku timid is casilaadiisa.

Waxaa wax laga weeydiiyey in is casilaadisia ay ku lug leedahay khilaafka ka dhexjira hoggaanka Maamulka gobolka Hiiraan waxa uuna sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn balse Shaqsiyan markii uu wadatashi la sameeyey Waxgaradka Beeshiisa uu go’aan saday in uu is casilo.

Is casilaada guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin Garbooy ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan isaga oo shuruud ku xiray wareejinta xilkii guddomiyenimo wallow ay dhacday Xaflad uu guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan xilka kula wareegay,isaguna uu ka maqnaa.

W/Q:- Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo Xuseen Cismaan Muumin Garbooy  dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media