Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maalinta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8 Bisha April 2019,waxaa ka furmay Shirka shanaad ee Golayaasha xeer dajinta.
Shirkan ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto kaas oo ay yeeshaan Golayaasha xeer dajinta heer federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galaya xildhibaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo masuuliyiin kale.
Wafdi horudhac ah oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Puntland.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinta beri ah tagaya Magaalada Garoowe si ay Golaha Shacabka ugu matalaan shirkaas.