Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay faahfaahin ka bixiyeen duqeyn ay shalay la beegsadeen Maleeshiyadda Daacish-ta ee ku sugan dhulka Buuraleyda ee Golis ee Gobalka W/bari Somalia.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Agaasimaha Taliska Hawlgalladda ee AFRICOM, Jeneral Greg Olson waxa u uku sheegay inay DFS iska kaashanayaan sidii awoodooda loo wiiqi lahaa waxa u uugu yeeray Kooxaha Xag-jirka, isla markaana ay qaadeen Duqeyn Diyaaradeedoo ay la beegsadeen Daacish-ta Somalia ee ku sugan Buuraha Golis.
“Duqeyntaas waxay hoos u dhigaysaa awoodda xubnaha Daacishta Somalia ku leeyihiin Deegaanadda Fogfog ee Waqooyiga Somalia” ayuu yiri Jeneral Gregg Olson.
Waxa uu intaasi ku daray in Maleeshiyadaasi ay argagax-gelin ku hayaan dadka rayidka Soomaalida ee ku nool Gobalka.
Duqeyntii shalay dhacday waxaa la sheegay in lagu dilay 3 xubnood oo ka tirsan Kooxda Daacishta Somalia, waxayna AFRICOM xustay inuu weli socdo baaritaanka natiijadda duqeyntaasi, socdaan baaritaanka, soona gudbin doonaan Warbixinta oo dhamaystiran.
AFRICOM waxay kaloo sheegtay inaysan jirin dad rayid oo ku dhaawacmay ama lagu dilay Duqeyntii shalay ka dhacday Buuraha Golis.
Waa duqeyntii labaad ee ay AFRICOM bishan la beegsadaan Kooxda Daacish-ta Somalia oo ku xooggan Gobalka Bari ee Maamulak Puntland.
Duqeyntii hore waxay dhacday bishan 14-da, waxaana lagu dilay Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia oo lagu magacaabi jirey C/xakiim Dhuqub.