Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warramay in xukuumadda madaxweyne Donald Trump ay baaq u jeedisay dalalka caalamka, kaas oo ah in ay la soo gaaraan ama ay ka iibiyaan qalab caafimaad oo muhiim u ah wax ka qabashada fayraska corona.
Mareykanka ayaa doonaya in laga caawiyo qalab ay ka mid yihiin mashiinka neefta ka caawiya dadka uu naqaska ku dhago, dawada gacmaha lagu nadiifiyo, maryaha sanka iyo afka lagu xirto, qalabka wajiga lagu xirto, dharka qafilan ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ay xirtaan iyo kuwa kale oo badan oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada xanuunka.
Wuxuu sidoo kale Mareykanka dalbaday in codsigiisa mudnaan gaar ah la siiyo, maadaama fayraska corona uu kusii faafayo guud ahaan dalkaas.
Warbaahinta CNN ee Mareykanka ayaa kusoo warrantay in ay heshay dukumenti muujinaya in Mareykanka uu diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Washington ka dalbaday 25 shey oo agab caafimmaad ah, kuwaas oo ay sheegtay in aad loogu baahan yahay xilligan.
Illaa iyo haddana ma cadda inta dal ee aqbashay codsiga Mareykanka.