Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda fedraalja Soomaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa goor dhow shaacisay in Soomaaliya laga helay kiiskii 3-aad ee la xiriira cudurka Coronavirus oo caalamka ku haya dhibaatada xooggan.
Fowsiya Abiikar Nuur oo ka hadleysay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qof ka tirsan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku sugan Xalane laga helay cudurka.
Shalay ayay aheyd markii wasaaradda caafimaadku ay shaacisay in qof qaba caabuqa Corona laga helay Muqdisho wxaana uu noqonayaa kiiskii 3-sad ee Corona oo laga helay Soomaaliya.