War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in caabuqa Corona laga helay Shaqaalo ka tirsan qandaraaslayaasha ganacsatada ah ee ay howlgeliso QM.
Qofkaan Ajnabiva ah ee laga helay xanuunka ayaa la sheegay in maalma ka hot uu ka timid safar dibadda ah isla markaana Sideed maalmood ku Karantiilanyahah goob gaar ah xaaladddiisana lala socdo.
Warka kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in khiburo dhinaca caafimaadka ah ay si joogta ah ula socdaan xaaladda Qandaraaslaha muhiimadda koowaadna ay tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen caabuqaan si dhab Anna ay u qaateen digniinaha caabuqa.
Ilaa iyo hadda xafiiska QM ee Soomaaliya ma aysan shaacin dalka uu u dhashay qofkaan laga helay Corona ee ah qandaraasle ay shaqo gelisay QM.
Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soo.aaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaaca ka qaadday in dalka laga helay kiiskii seddexaad ee Corona iyada oo tirada dadka Soomaaliya laga helay cudurkaan ay uihiin seddex qof ilaa iyo hadda.