Hadal qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Kuuk ayaa lagu sheegay in Mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Waa’il Caadil Xasan Salmaan Al-faayid oo lagu naanaysi jirey Dr. Waa’il lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalladda Raqa ee dalka Syria.
Dr. Waa’il ayaa u qaabilsanaa Kooxda Daacish Arrimaha Warfaafinta, Diyaarinta Muuqaalladda Video-ga ee Dilalka iyo Borobogaandada ee lagu baahiyo Internetka, wuxuuna aad ugu dhawaa Afhayeenkii Kooxda Daacish, Abu Maxamed Al-cadnaani, kaasi oo la dilay bishii la soo dhaafay ee August 30-da.
Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inay Liiska Argagixisadda ku dareen Dagaalyahan u dhashay Faransiiska oo lagu magacaabo Cumar Dibay, kaasi oo madax u ah qiyaastii 50 Dagaalyahanno shisheeye ah oo ka tirsan Kooxda Jabhatul Fatax Alshaam ee ka dagaalanta dalka Syria.
©Radio Dalsan