Dukumentiyo E-mailo oo uu diray Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka, Kolin Bawl oo si qarsoodi ah lagu helay ayuu ku sheegay inay Israel haysato 200 Gantaalladda Nukliyeerka, kuwaasi oo dhamaantooda ku jiheysan dalka Iiraan.
Kolin Bawl ayaa arrintaasi ku sheegay Qoraal E-mail oo uu diray Nin ay shirko ku yihiin Ganacsiga oo lagu magacaabo Jeffrey Leeds, kaasi oo uu kala tashanayey Digniinaha Ra’isul-wasaaraha Israel, Benjemiin Netayahu uu Ka qabay Wada-xaajoodkii Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.
E-mailadda Kolin Bowl oo ku taariikheysan bishii Maarso ee sannadkii hore waxaa soo bandhigay Koox jabsata Internetyadda oo lagu magacaabo DCLeaks, wuxuuna Nukliyeerka ay haysato Israel ku sheegay inay u dhexeyso 200 ilaa 400 madaxda Hubka Nukliyeerka, inkastoo Israel beeniso inay Nukliyeerka haystaan.
Sidoo kale, Madaxda Israel, waxay diideen inay Baarayaasha Caalamiga soo baaraan Xarumahooda Nukliyeerka ama ay saxiixaan Heshiiska Calaamiga ee lagu mamnuucayo Hubka Nukliyeerka (NPT).
©Radio Dalsan