Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Saraakiisha Ciiddanka Kenya ee AMISOM sheegeen inay 33 Dagaalyahano Alshabaab ku dileen dhowr iska horimaad oo ka dhacay Gobalka J/hoose.
Saraakiisha KDF waxay sheegeen inuu Iska horimaadkii Koowaad uu ka dhacay Deegaanka Goobweyn, kuna dileen 25 Dagaalyahan oo labo koox u kala socotay, waa sida ay Saraakiishaasi Kenyanka ee aan la magacaabin u sheegeen Wargeyska The Star.
Waxay kaloo sheegeen inay 3 gaari oo nooca Teknikadda ku burburiyen Hawlgalka ay la beegsadeen Saldhiga ay Alshabaab weerarada ka soo qaadaan, waa sida hadalka loo dhigay.
Wararka waxay sheegayaan inay Ciiddankma Dowladda Federalka ka qeyb galeen Iska Horimaadka oo la sheegay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku qaadeen Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen Buundada Wirkooy oo qiyaastii 40 KM u jirta magaalladda Kismaato.
Dhinaca kale, Ciiddan ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay inay qabteen Muwaadin Kenyan ay ku sheegeen inuu dhinaca Loojistikada ugu qaabilsanaa Alshabaab, isla markaana ay 8 kale ku dileen Hawlgalkaasi.
Saraakiisha Ciiddanka Kenya waxay Wargeyska The Star u sheegeen inay gacanta ku dhigeen 4 qoriga Boobaha Culus ee BKM, 2 qoryaha AK 47 iyo Qoriga Garabka laga tuuro ee RPG.
Si kastaba ha ahaatee, Xarakadda Alshabaab kama hadlin Sheegashada ka soo yeertay Ciiddanka Kenya, mana jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinayo Bayanaka ka soo baxay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.
©Radio Dalsan