Munaasabad ballaaran oo lagu maamusayo Sannad-guuradii 4-aad ee ka soo wareegtay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia ayaa xalay lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.
Xafladaasi oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Madax, Mas’uuliyiin, Marti Sharaf iyo Dadweyne aad u fara badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Munaasbadaasi, waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey Waxqabadkii Dowladda Federalka ee afartii sanno ee uu Majaraha Dalka hayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka hadlay Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socoto, wuxuuna carrabka ku dhuftay haddii mar kale la soo doorto inuu ka shaqeyn doono Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa Dowladnimadda, Horumarinta Federalka iyo Dhowrista Sharciga iyo Xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Munaasabadaasi lagu weynaynayey 4-guuradii ka soo wareegtay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Talada Dalka uu qabtay waxaa kaloo lagu soo bandhigay Suugaan Gubaabo leh iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka,
Dhinaca kale, Ololaha Doorashadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo bandhigay Madasha Filim Dukumentari ah oo lagu maamusayey Waxqabadkii Madaxweynaha ee afartii sanno ee la soo dhaafay.
©Radio Dalsan