Guddiga Ururka Midowga Afrika “AU” ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlgalladda Milliteriga (The AU Military Operations Coordination Committee) oo loo soo gaabiyo (MOCC) waxay shalay Kulan Farsamo ku yeesheen Caasimadda dalka Jabuuti oo ay dib ugu qiimeynayeen Qorshaha Ammaanka ee lagu sugayo Xilliga ay Doorashooyinka ka dhacayaan Somalia.
Xubnaha ka qeyb galay Kulankaasi ayaa kala ahaa: Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira.Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Ambassador Ismail Chergui, Taliyayaasha Milliteriga ee dalalka Jabuuti, Ethiopia, Uganda iyo iyo Taliye-xigeenadda Milliteriga ee dalalka Kenya iyo Burundi.
Mas’uuliyiintaasi waxay kaloo Shirkooda ku lafa-gureen Taageeradda dhinaca Ammaanka ee Doorashadda Somalia ka bilaaban doonto dabayaaqadda bishan September iyo sidii ay Dowladaha ciiddamadda ka joogaan Somalia si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen Hawlgalladda AMISOM ee la doonayo in lagu wiiqo Awoodda Xarakadda Alshabaab/
Ajendayaasha kale ee looga hadlay Shirkaasi waxaa kaloo looga hadlay Dib-u-qaabaynta, Tababarka Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii Mushaaraadka loo siin lahaa Ciiddanka qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan