Websaytka u gaarka ah Barlamaanka Midowga Europe ee www.europarl.europa.eu ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 15-kii bishan September waxaa lagu soo daabacay Go’aan ay Xildhibaanadda Barlamaanka Midowga Europe ka soo saareen Heerka Xuquuqda Aadanaha ee dalalka Somalia, Zimbabawe iyo Filibiin.
Warbixinta oo Cinwaan looga dhigay Xuquuqda Adaanaha ee dalalka Filibiin, Somalia iyo Zimbabwe (Human rights: Philippines, Somalia and Zimbabwe) waxaa si gaar ah loogu cambaareeyey Qaraxyaddii ugu dambeeyey ee ay Xarakadda Alshabaab ka geysteen gudaha Somalia.
Barlamaanka Midowga Europe (Euro Parliament) waxay kaloo cambaareeyeen Falalka Dilalka, Xarigga, Cabsi-gelinta Baahsan, Falalka albaabadda loogu laabo Xarumaha Warbaahinadda, Qalabka Warbaahinta ee la burburiyo iyo Xayiraadda la saaro Websaytyadda.
Qoraalka ka soo baxay Xildhibaanadda Barlamaanka Yurub “The European Parliament” waxay ugu baaqeen Maamulayaasha ka jira Somalia inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan dhamaan Tacadiyadaasi xadgudubka ku ah Xorriydda Hadalka “The freedom odf expression” iyo in si buuxda loo baaro dhacdooyinkaasi.
Dhinaca kale, Barlamaanka Midowga Europe waxay ku booriyeen Ururka Midowga Afrika iyo Dowladaha ay Ciiddamaddu ka joogaan Somalia inay baaraan oo hubiyaan Eedeymaha la xiriira Falalka Kufsiga ee ay ku kacaan Ciiddanka AMISOM oo ay tiradoodu dhan tahay 22,000 oo Askari.
Waxaa kaloo Midowga Afrika iyo Dowladaha ay ciiddanku ka joogaan Somalia lagu booriyey in Sharciga la hor keeno Askarta ka mas’uulka ah Kufsiga lagula kacay gabdho iyo haween Soomaaliyeed.
©Radio Dalsan