Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka ambabaxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka Madaxweyne Xaaf,isla markaana waxaa uu ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,isagoona dhulka ku socdaalaya.
Ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiida nooca dagaalka ah oo ka yimid dhanka Gobolka Mudug ayaa waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha u soo galbinayan dhanka Magaalada Gaalkacyo,halkaasi oo laga dareemayo qabanqaabada soo dhaweeyntiisa.
Madaxweyne Xaaf ayaa iska diiday in uu la kulmo wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminaayay Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.