War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Warka Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in Xisbiga uu ka walaacsan yahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee baryahan dambe ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug.
Sidoo kale Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu Siyaasiyiinta, Odiyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Wax-garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada iyo xasilloonida si looga fogaado wax walbaoo dhalinkara inuu daato dhiig-sokeeye.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.