Madaxweynaha cusub ee DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la dhaariyey, wax yar kadib, markii uu Murashixii la tartamayey ee Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Wareegga 3-aad ee Doorashadda Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo oo isagana Khudbad kooban ka jeediyey Hoolka Doorashadda ayaa u mahad celiyey dhamaan Xildhibaanaddii dooratay iyo kuwii aan dooranin.
Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qabto Xilkaasi, isagoo ballan qaaday La-dagaalanka Musuqa iyo inuu ka shaqeyn doono Caddaaladda iyo Dadka ,
Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu maalmaha soo socda Khudbad u jeedin doono Ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxa uu u mahad celiyey Murashax Madaxwyen Shariif Sheekh oo uu sheegay inuu ahaa Madaxweynihii sida Dimuqraadiga u wareejiyey Madaxweynenimadda.
Sheekh Shariif waxa uu isagana u mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh ee sida sharafta leh xilka u wareejiyey.
©Radio Dalsan