DEGDEG: Xasan Sheekh oo tanaasulay iyo Farmaajo oo noqday Madaxweynaha JFS.

Madaxweynihii DFS, Murashax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ddhawaaqay inuu ka tanaasulay Xilka Madaxweynaha, wuxuuna u hambalyeeyey Murashax Farmaajo oo noqday Madaxweynaha cusub ee JFS.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay inuu u hambalyeynayo Madaxweynaha cuysub iyo inuu ku faraxsan yahay inuu u hambalyeeyo Madaxweyne Farmaajo.

Tanaasulkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay isaga iyo Farmaajo isugu soo hareen Wareegga 3-aad.

Hadalka Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey Xildhibanadda BFS iyo Siuyaasiyiintii ku dhawaaqi jiray in loo baahan yahay Isbedel cusub oo ku yimaada Hoggaanka Qaranka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media