Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Dagaalyahano ka taagersan Kooxda Daacish shalay dileen 6 shaqaale oo ka tirsan ICRC oo gargaar degdeg ah u waday Waqooyiga dalkaasi oo ay duufaano baraf watay ku dhufteen.
Guddoomiyaha Gobalka Jozjan, Lutfullaahi Casiisi ayaa sheegay inay Shaqaalahaasi wadeen Gargaar Xoolo nool oo loo qeybin lahaa dadka ku dhibaataysan Deegaanadaasi.
2 ka mid ah shaqaalaha ICRC ayaa la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda, kuwaasi oo la socday gawaarida la weeraray.
Dhinaca kale, Agaasimaha Hawlgalladda ee ICRC, Dominik Stillhart ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay toogashadaasi tahay dhacdadii ugu xumayd ee ay shaqaalaha ICRC la kulmaan.
Afganistan waa dalka 4-aad ee ugu ballaaran ee Barnaamijyadda Samafalka ka socdaan Caalamka oo idil.
©Radio Dalsan