Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Ujeedka Safarkiisa Maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Lafta-gareen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka Caasimadda dalka uu u yimid ay tahay Arrimo kala duwan oo kala ah wadashi iyo xaaladda ka jirta degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose uu webiga ku fatahay.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulamo kala duwan oo wadatashi ah la qaadan doono Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ku sugan Caasimadda.
Dhinaca kale Lafta-gareen ayaa ka hadlay saameynta fatahaada Webiga Shabeelle uu ku yeeshay qoysaska Danyarta ah ee deganaa Degmooyinka Afgooye, Qoryooley iyo Wanla-weyn ee Shababeellaha Hoose, kuwaasi oo ka barakacay fatahaada Webiga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Lafta-gareen in uu booqan doono deegaanada uu saameeyay fatahaada webiga, wuxuuna tilmaamay inay u kuur-geli doonaan xaaladda ka jirta halkaas.
Ugu dambeyn Dowladda Federaalka, Hay’addaha Gargaarka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu baaqay inay Gurmad deg deg ah u fidiyaan shacabka uu Gobolka Shabeellaha Hoose ku sameeyay Webiga Shabeelle.