Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo fariin u diray shacabka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Hambalyo ku-aadan Aas’aaskii Puntland 1 Agoosto 1998 u diray Shacbka Puntland.

“Waxaan Halkaan Uga hambalyeeynayaa Dhammaan shacabka Puntland meelkasta oo ay Joogaan Xuska ku aadan 22-Sanno guurada asaaskii Dawladda Puntland August 1, 1998. “Aas’aaskii Puntland wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo ay qayb ka ahaayeen Bulshada oo ay hormuud u yihiin Haweenka, Siyaasiinta iyo Madaxda Dhaqanka oo ah kuwa leh mudnaata iyo Ammaanta 1-aad ee mirro dhalka Dawladnimaa Hanaqaaday ee Puntland maanta ka jirta.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdirashiid ayaa xusay hiigsiga 22 sano kadib ay Puntland rajaynayso in ay gaarto oo ah Doorasho 1 iyo cod ah.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha ayaa shacabka kula dar-daarmay in ay Ilaashaadan Amnigooda, Horumarkooda iyo Dawladnimadooda ay caanka ku yihiin iyaga oo la shaqaynaya Dawladdooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media